Ma ogtahay in Facebook uu hayo xogta malaayiin qof? Hadii aad xayeysiis iska saarto adigoon beegsi sax ah samayn, waxaad lumisay lacagtaadii. Shirkadda Alifle Online waxay kuu samaynaysaa xayeysiisyo lacag ah (Sponsored) oo kaliya loo tuso dadka ay u badan tahay inay alaabtaada iibsadaan.
Halkan waa sida aan u dejino xayeysiisyadaada:
1. Beegsiga Goobta (Location Targeting)
Haddii ganacsigaagu ku yaallo Muqdisho oo kaliya, uma baahnid inaad lacag ku bixiso in dadka jooga Boosaaso ama Hargeysa ay arkaan xayeysiiskaaga (hadii aadan gaarsiin u samaynayn). Waxaan u qoondeynaa xayeysiiska meelaha aad ka shaqayso si lacagtu u soo saarto natiijo.
2. Beegsiga Dadka (Demographics & Interests)
Waxaan xayeysiiska u kala saarnaa:
- Da'da: Tusaale, haddii aad iibinayso agabka ardayda, waxaan u tusnaa dadka u dhexeeya 18-25 sano.
- Dookha (Interests): Waxaan beegsanaa dadka horay u raadiyay ama xiiseeyay alaab la mid ah taada (sida: dharka, technology-ga, ama waxbarashada).
3. Doorashada "Campaign Objective"
Xayeysiis kasta oo aan u samayno Alifle Online, waxaan u dooranaa hadaf cad:
- Messages: In macaamiishu ay toos fariin ugu soo diraan Messenger ama WhatsApp.
- Lead Generation: Inaan soo ururino lambarada iyo magacyada dadka xiisaynaya adeeggaaga.
- Traffic: Inaan dadka u dirno website-kaaga haddii aad leedahay.
4. Naqshadda Xayeysiiska (Ad Creative)
Xayeysiiska lacagta ah wuxuu u baahan yahay sawir ama muuqaal ka duwan kan caadiga ah. Waxaan u samaynaa naqshad leh "Stopping Power"—taas oo ah inay macmiilka joojiso inta uu Facebook dhex marayo, isagoo markaas dareemaya inuu dalab dhiibo.
5. Maareynta Miisaaniyadda (Budget Optimization)
Kaliya kuma qasno lacag badan. Waxaan ku bilaabnaa miisaaniyad yar si aan u tijaabino suuqa, marka aan aragno in xayeysisku shaqaynayo ayaan kordhinaa (Scaling). Tani waxay hubisaa in shiling walba oo aad bixiso uu ku soo laabto faa'iido ahaan.
Faa'iidada aad ka helayso:
- Instant Results: Ma sugaysid toddobaadyo; isla marka xayeysisku bilowdo, waxaad bilaabaysaa inaad hesho fariimo iyo wicitaano.
- Global or Local Reach: Waxaad gaari kartaa kumanaan qof oo aan horay u aqoonin Alifle Online.
- Cost Effective: Waxaad xayeysiis ku bilaabi kartaa lacag yar oo aad awooddo.
Ma rabtaa in Alifle Online ay kuu keento macaamiil cusub oo hadda diyaarsan? Nagala soo xiriir maanta si aan u bilawno xayeysiiskaaga ugu horreeya.
About us and this blog
We are a digital marketing company with a focus on helping our customers achieve great results across several key areas.
Request a free quote
We offer professional SEO services that help websites increase their organic search score drastically in order to compete for the highest rankings even when it comes to highly competitive keywords.
